TOP NEWS: Ciidamada Kumandoosta DANAB Oo Hawlgal Ku Dilay Saraakiil Al Shabaab Ah.

0

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa howgal gaara ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Sida uu sheegay Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jen. Cali Baashi Maxamed in cutubyo ka tirsan Ciidamada XDS gaar ahaan kuwa Danab ay howlgallo qorsheysan ka fuliyay tuulada Gaanjo-roon oo hoos tagta deegaanka Beerxaano ee gobolka Jubbada Hoose.

Abaanduulaha oo Warbaahinta ay soo xigatay ayaa sheegay in ciidamada ay howlgalladaasi ku khaarijiyeen 8 ka tirsan Al-shabaab, isla markaana ay nolosha ku soo qabteen tiro kale oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo aanu shaacin.

Howlgallada gaarka ah ee ay qaadayaan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa dhowaanahan sii kordhayay iyagoo mararka qaarkood la howlgala ciidamo Mareykan ah.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media