TOP NEWS:- Gudiga Doorashada Soomaaliya oo maanta shaacinaya wakhtiga Doorashadu dib u dhacday.

0

Gudiga Doorashada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa shaaca ka qaadaya maanta Wakhtiga lagu kordhiyay mudadii loogu talo galay in ay ku qabsoonto Doorashada dalka ka dhacaysa Sanadkaan.

Wararka la helaayo ayaa sheegaya in doorashada lagu darayo wakhti kooban , iyadoona warar soo baxaya ay sheegayaan in lagu kordhinayo 21 maalmood ugu yaraan.

Wakhtiga lagu kordhin doono doorashada ayaa la filayaa in si wanaagsan Arrimaha Doorashada looga shaqeeyo, waxaana shaqooyinka hor taagan intooda badan  Aqalka Sare oo aan wali lamagacaabin.