TOP NEWS+SAWIRRO:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya 2016-ka.

Munaasabada uu kaga dhawaaqayay Sheekh Shariif in uu yahay Musharax Madaxweyne ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo xubno kale.

Qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay Munaasbadan ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu u qalmo in markale loo doorto Hogaamiyaha Soomaaliya, maadaama uu leeyahay waxqabad muuqda.

Dhanka Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo gaba gabadii Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay hadii markale la doorto in Dowladdiisa ay si wanaagsan uga shaqeyn doonto Dhaqaalaha Dalka sidii looga faa’ideysan lahaa.

1 3

4