TOP NEWS:- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka hadlay Dhalinyarada ku xiran Dalka Hindiya

0

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran Hindiya.

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Dhalinyarada ku xiran Hindiya in aysan aheyn Burcad badeed, balse ay yihiin Kaluumeysato.

Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in Wasaarada Arrimaha Dibadda ay si dhow ula socoto Caafimaadka iyo Nolosha Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran Hindiya.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ugu dambeyn Dowladda Hindiya ugu baaqay Dhalinyaradaasi in ay cafis u fidiyaan, sidoo kalena ay ku soo wareejiyaan Dalkooda.