Walaac xoogan oo laga muujinayo in Koontada Haweenka ee Baarlamaanka la gacan bidexeeyo

0

Xilli maalmaha soo socdo lagu wado in Doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Baarlamaaniga ah ay ka dhacaan Caasimadda maamul Goboleedyada dalka ayaa waxaa soo ifbaxaya walaac beesha Caalamka iyo Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ay ka muujinayaan in la Musuqmaasuqo Koontada Haweenka ay ku yeelan doonaan Baarlamaanka soo socda.

Dr Xasan Shire oo ah Guddoomiyaa Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqul Insaanka ee Bariga iyo Geeska Africa oo Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Kampala ee Xarunta waddanka Uganda ayaa ka dhawaajiyay walaaca ay ka qabaan in Haweenka aysan Helin Koontadooda.

“ Beelaha ugu waaweyn oo ay ka soo jeedaan Madaxda ugu sareysa sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha , Madaxweynaha Puntland iyo kan Jubbaland heybtooda waa kuwa aan hal gabar Baarlamaanka aan u soo dirin” ayuu yiri Dr Xasan Shire.

Sidoo kale waxa uu Guddoomiyuhu Carabka ku adkeeyay in Haweenka aan muran laga galin 30% oo Dastuurka KMG ah u ogolaanayo.

Ugu dambeyn Dr Xasan Shire Guddoomiyaa Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqul Insaanka ee Bariga iyo Geeska Africa ayaa ugu baaqay wadamada Dariska la ah Soomaaliya in ay faraha kala baxaan Arrimaha Doorashada dalka.