WAR CUSUB: Maxaa ka soo baxay Wada hadalo dhexmaray M/weyne kuxigeenka Puntland & Waxgaradka Gobalka Mudug ?

0

Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa kusugan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, halkaas oo uu shirar gaar-gaar ah la lahaa waxgaradka gobalka oo ay ka wada hadlayeen xaaladdihii ugu dambeeyey iyo go`aanadii ay dawladdu gaartay.

Waxgarad gobalka Mudug ayaa muujiyey dareenkooda ku aadan xaaladda magaalada Gaalkacyo, waxayna sheegeen in go’aamadii lasoo rogey dhawaan ay ahaayeen kuwa wax tar weyn u ah Shacabka iyo bulshada gobalka oo dhan.

Odayaasha ayaa sheegay in dawladda looga baahan yahay in aysan marnaba ka gudbin go’aamadaas oo ay noqdaan kuwa si rasmi ah u hirgala, wax kasta oo ka hor imaanaya aysan sharciyad noqon doonin.

Arrimaha sida aadka ah looga hadlay waxaa kamid ahaa kala hadalka dawladda ee kusaleysan fududeynta go’aankii kala wareejinta Xoolaha, iyagoo Odayaashu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in aan waxba laga bedelin go’aamadii la qaatay.

Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ayaa u sheegay waxgaradka gobalka Mudug iyo qeybaha bulshada in ay dawladdu mar kasta qaadanayso doorkeeda Hogaamineed, wax kasta oo yimaadana ay xal kama dambeys ah ka gaarayso.

Madaxweyne kuxigeenku wuxuu sheegay in mudo cayiman la fasaxay xoolaha in ay gudbaan, isla markaasna la marin doono baaris adag oo ka duwan tii kalkii hore lamarin jirey, isagoo meesha ka saaray in laga laabtay go`aankii guud ee lasoo rogey.

Madaxweyne kuxigeenku wuxuu sheegay in ay qaateen oo ay dhageysan doonaan Waxgaradka taladooda ku aadan in aan marnaba Gaalkacyo noqon meel looga soo gudbo gobalada kale ee Puntland, ayna noqoto meel xaduud ah oo ay ku kala wareegaan gaadiidka Xoolaha wada & Kuwa Badeecadaha wareejinaya.

Kulankan ayaa dhinacyadu ay si faahfaahsan ugu wada hadleen, isagoo Saxaafada laga dheereeyey, sidaas oo kalena waxyaabaha laga hadlay waxaa kamid ahaa qorshaha la xariira dhimasho ka dhalatay maleeshiyaad weeraray ciidamada Difaaca Puntland oo galbinayay Baabuur laga leeyahay gobalada dhexe ee Soomaaliya.