WAR DEG DEG AH:- Ciidamo ka tirsan Puntland oo la Wareegay Bangiga Dhexe ee Puntland

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee maanta Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay la wareegeen Bankiga Dhexe ee Maamulkaasi.

Ciidankan ayaa la sheegay in ay si gaar ah uga tirsan yihiin Sirdoonka Puntland, waxaana gabi ahaan ay isku hareereeyeen Bankiga Dhexe ee Maamulka Puntland oo ku yaalla Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya sababta Ciidanka ay ula wareegeen Bankiga in ay tahay ku dhowaad muddo 2 Bil ah oo aysan qaadan Mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidanka ay kala eryeen dhamaan shaqaaliha Bankiga, inkastoo aysan gudaha u gelin Bankiga.

Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ayaa wada dadaalo lagu qancinayo Ciidankan la wareegay Bankiga Dhexe ee Maamulka Puntland.

la soco Wixii soo kordha..