WAR DEG DEG AH:- Dagaal khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay gobolka Mudug

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal xoogan u dhaxeeyay laba Maleeshiyo hubeysan oo kasoo kala jeeda deegaanada Galmudug iyo Puntland uu xalay ka dhacay deegaanka Jeexdin oo ku dhow magaalada Gaalkacyo.

Ilaa iyo 8 Ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug.

Xaalada deegaanka Jeexdin ayaa saakay kacsan waxaana laga qabsi qabaa in dagaal uu mar kale dib uga Qarxo deegaanka .

deegaanka Jeexdin ayaa horay waxaa ugu dagaalamay Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo sidoo kale Galmudug.