WAR DEG DEG AH: Mas'uuliyiinta Galmudug Oo Ku Dhawaaqay Inuu Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Xiran Yahay.

0

Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaa in Galmudug ay ku dhawaaqay inuu xiran yahay garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ay goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay inuu xiran yahay Garoonka Magaalada Gaalkacyo ee C/llaahi Yuusuf.

Garoonka oo fariisin u ah ciidamada gaarka ah ee Puntland iyo saraakiil Mareykan ah ayaa Galmudug ay sheegtay in looga soo duulay weerarkii lagu laayay askarteeda oo ku sugnaa xarunta degaanka Jeexdin.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Mareykanku sheegtay inuu weerar ku dilay 9 ka tirsan kooxda Alshabaab oo ku sugnaa duleedka Gaalkacyo. Arrintan ayaa xiisad ba’an ka dhalisay degaanada Puntland.

Dhinaca kale Amarka ay Galmudug ku xiray garoonka Gaalkacyo ayaa loogu digay diyaaradaha inay u soo dhowaan garoonkaasi. Arrintan ayaa uga sii dareysa xaaladda kacsan ee ka dhex oogan Puntland iyo Galmudug.

Isku soo wada duuboo shalay iyo maanta ayaa bannaanbaxyo looga horjeedo Mareykanka waxa ay ka dhaceen degaanada Galmudug mamausho, iyadoo lagu gubay calanka Mareykanka.

Waxii Kasoo Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media