WAR DEG DEG AH: Nin Hubeysan Oo Nin Hadda Ku Dilay Gudaha Magaalada Caabudwaaq.

0

Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in nin hbeysan uu ku dilay nin kale.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa ninkan hubeysan inuu dilay Marxuumka isagoo ku sugnaa goob garaasha ah oo uu ka sameysanayay gaari.

Ilaa hadda lama yaqaano ninkan hubeysan sababt uu u dilay Marxuumka, waloow warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inay salka ku hayso aano qabiil oo rag lagu dilay  tuulada Laamawayne oo u dhaxaysa Caabuwaaq iyo Cadaado,  ma ay jirto cid ka hadashay dilkan.

Isku soo wada duuboo dilalka ka dhaca magaalada Cabaudwaaq ayaa waxa ay iminka noqdeen kuwo kamid ah nolol malameedka dadka ku nool magaalada Caabudwaq.

Waxii Warkan Ka Soo Kordha Kala Soco Allgalgaduud Media