WAR DEG DEG:- Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo 300-qof ka soo qabtay Suuqa Bakaaraha

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howgal xoogan saakay ka bilaabay Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa soo qabtay ku dhawaad 300 qof oo kuwaa soo ciidanka dowladda Soomaaliya ay hada ku hayaan Barcada weyn ee shirkada isgaarsiinta Hormuud ee degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Dadka ay ciidanka dowladda Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen ayaa u badan dhalinyaro , waxaana ciidanka dowladda Soomaaliya ay u sheegeen in lagu sameyn doono baaritaan ka dibna la siin deyn doono cidii lagu waayo danbi.

Isgoysyada Bakaaraha iyo Baar ubax ayaa sidoo kale la sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay soo dhoobeen dad aad u farabadan oo laga soo qabtay xaafada degmada Howlwadaag e gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka AMISOM ayaa wali howgal xoogan waxa ay ka wadaan Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka xiray inta badan wadooyinka soo gala Suuq weyn ee bakaaraha ee magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Gawaarida lagu yaqaano ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu jaray isgoysyada soo gala Suuqa Bakaaraha waxaana dadka loo diiday in ay galaan dukaamadooda.

Boqolaal Qof oo saakay u soo jarmaaday in ay furtaan goobahooda ganacsi ayaa lasoo dhoobay hareeraha laga soo galo Suuqa sida ay idaacadda Risaala u sheegeen Qaar kamid ah Ganacsada Suuqa weyn ee bakaaraha.