WAR DEG DEG:- Dab khasaare geystay oo ka kacay Suuq ku yaala Muqdisho

0

Wararka inaga soo gaaraya xaafada Buula-xuubey ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan Dab khasaare hantiyadeed geystay in uu ka kacay Suuq ku yaalla xaafada Buul-xuubey.

Dabkan ayaa kacay xalay saqdii Dhexe, waxaana uu baabi’iyay Saddex Dukaan oo ka mid ahaa Dukaamada ku yaallay Suuqaasi.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dabkan uu ka dhashay koronto.

Gaadiidka dab damiska ayaa waxa ay gaareen goobta uu ka kacay Dabka waxaana ugu dambeyn saakay lagu guuleystay daminta Dabkaasi ka kacay Suuq ku yalla xaafada Buula-xuubey.