WAR DEG DEG:- Ganacsigii suuqa Bakaaraha oo dib u furmay, Ciidamada Ajnabiga iyo Soomaalida oo ka baxay

0

Waxaa goordhow dib u furmay goobihii Ganacsiga Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaro ka dib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwo AMISOM ay saakay ka sameeyeen howgal balaaran oo lagu soo qabtay dad badan.

Goobihii ganacsiga ayaa furmay , waxaana sidoo kale caadi kusoo noqday isku socodka Gaadiidka iyo sidoo kale dad weynaha.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howgal xoogan saakay ka bilaabay Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa soo qabtay ku dhawaad 300 qof .

Dadka ay ciidanka dowladda Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen ayaa u badan dhalinyaro , waxaana ciidanka dowladda Soomaaliya ay u sheegeen in lagu sameyn doono baaritaan ka dibna la siin deyn doono cidii lagu waayo danbi.

Isgoysyada Bakaaraha iyo Baar ubax ayaa sidoo kale la sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay soo dhoobeen dad aad u farabadan oo laga soo qabtay xaafada degmada Howlwadaag e gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka xiray inta badan wadooyinka soo gala Suuqa weyn ee bakaaraha ee magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.