WAR DEG DEG:- Guddiga doorashada Soomaaliya oo baajiyay Shir Jaraa’id oo ay kaga hadli lahaayeen Arrimo Xasaasi ah iyo Wariyaashii oo ka soo laabtay

0

Guddiga Doorashada Dadban ayaa si lama filaan ah dib ugu dhigay qorshe ay doonayeen inay ku shaaciyaan waqti cusub oo la qabanayo Doorashada 2016.

Shir jaraa’id oo guddigu qaban lahaa ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay la joojiyay, ka dib markii ay isugu yeereen saxafiyiinta, waxayna sheegeen in maalinta Beri ay baahin doonaan qorshahooda cusub.

Xogta aynu heleyno ayaa sheegeysa in Madaxda Sare ee Madasha Qaran aanay isku raacsaneyn qorshaha Guddiga oo kaliya ay ogolaadeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Qorshaha dib u dhigista Doorashada oo ah markii labaad ayaa la sheegay in muddo 45 casho ah oo cusub lagu daray si dib loogu riixo waqtiga doorashada kadib markii uu socon waayay jadwalkii hore.

Madaxda maamul Goboleedyada siiba kuwa Puntland iyo Galmudug ayaa la sheegay inay dalbadeen wadahadal dheeraad ah oo ku saabsan dib u dhaca doorashada 2016.