WAR DEG DEG:- Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Gobolka Jubbada Hoose iyo Sarkaal Shabaab ahaa oo la dilay

0

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa Howlgal ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose Xalay waxaa ay ku dileen Sargaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab iyo Labo Dagaalame.

Ciidanka Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa galay Degaanka Qudus Ama Golishubi oo 60KM u jira Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Radiokulmiye u sheegay in Howlgalkaas lagu dilay  Guddoomiyihii Degaankaasi Weerarka lagu qaaday oo la yiraado Macalin Sahal iyo Labo Dagaalame oo la dhintay.

Howlgalkaan ayaa ku soo aadaya Xilli Gobolka Jubbada Hoose iyo Gobolka Mudug uu Mareykanka ka fuliyay Howlgallo Khasaare dhaliyay.

Shabaab kama Hadlin Weerarka ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose ee ay Fuliyeen Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.