WAR DEG DEG:- Iska hor imaad ka dhacay Baydhabo

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Iska hor imaad khasaare geystay uu dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Iska hor imaadakan ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa yimid kadib markii lagu murmay Nabadoon Magaaladaasi lagu xiray sii deyntiisa.

Inta la xaqiijiyay Iska hor imaadkan ayaa waxaa ku dhintay 1 Askari, halka sidoo kalena ay ku dhawacmeen ilaa iyo 6 Askri oo qeyb ka ahaa labadii dhinac ee ay israsaaseynta dhexmartay.

Askartii ku dhaawacantay Iska hor imaadkan ayaa waxaa loola cararay Isbitaalada ku yaalla Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.