DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo war ka soo saaray Dib u dhaca ku yimid Doorashada Dalka

0

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa labo jeer dib u dhigay xilligii Doorashada la qaban lahaa, waxaana jira walaac laga muujiyay dib u dhacan.

Talaadadii la soo dhaafay ayay ahayd markii xafiiska Qarmada Midoobay ee Soomaliya uu muujiyay in uu ka walaacsan yahay dib u dhaca xilliga Doorashooyinka.

Xubnihii Aqalka Sare ee Senate-ka ee ay ahayd in ay soo gudbiyaan Maamul Goboleedyada ayaa ugu horreeya Doorashooyinka la qaban doono.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay Waraahinta ayaa sheegay in walaac ka ka qabaan Dib u dhaca markale ku yimid Doorashada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay aad ugu diyaar garoobeen Doorashooyinka.

 

 

 

HOOS KA DHAGEYSO