WAR DEG DEG:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo war ka soo saaray Duqeymihii ka dhacay qeybo ka mida Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Duqeymaha is Xig xiga ee lala bartilmaameedsado Xarakadda Al-shabaab islamarkaana ay Fuliyaan Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo Garab ka helaya kuwa Saaxiibada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Duqeymaha Al-shabaab lagula jiro Dowladda Soomaaliya ay Guulo waaweyn ka soo hoysay islamarkaana lagu dilay Saraakiil Sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imaanaya Xilli Dowladda Mareykanka oo ay weheliyaan Ciidamo Soomaali ah ay Duqeymo ka fuliyeen Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya