WAR DEG DEG AH:- Cumar Cabdirashiid oo ka soo horjeestay Go'aankii ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka Dadban. (AKHRISO)

0

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in Go’aan ka gaaaridda goobta lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanadda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay tahay mid u taalla Dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in Guddiga Doorashooyinka Dadban looga bahan yahay in ay wada tashi la yeeshaan Isimada ugu jira 2-da Gobol Odayaasha 135-ka, kadibna dib ugu soo celiyaan Dowladda Federaalka natiijada ka soo baxda.

“Waxaan u mahadcelinaya oo aan Bogaadinayaa howsha wanaagsan ee ay wadaan Guddiga Doorashadda 2016-ka , hase yeeshee waxaan rabaa inaan faro oo aan u caddeeyo Guddiga in ay ilaaliyaan Go’aanadii lagu gaaray Madasha Hogaamiyeyaasha Qaran“ Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ku booriyey Guddiga Dooprashooyinka in ay wada tashi la yeshaan dhammaan Odayaasha Dhaqanka ee ugu jira Gobolada Hiiran iyo Shabeelaha Dhexe, uguna tagaan goob kasta oo ay jogaan.

Shalay ayay aheyd markii Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka ay sheegeen Xlidhibaanada ka imaanaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe in lagu soo dooran doono Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Akhriso

om