WAR DEG DEG:- Ra’iisul wasaaraha waqtigiisu dhammaaday Cumar Cabdi Rashiid oo ku Wajahan Magaalada Qardho

0

Ra’iisul wasaaraha waqtigiisu dhammaaday ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ahna Musharax u taagan xilka madaxwaynaha Soomaaliya doorashada 2016-ka Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa maanta Isniin ah 26 September 2016, ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Mr Sharmaake oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa Qardho laga sugayaa, waxaana safarkiisa ku wehelaya xubno xafiiskiisa ka tirsan iyo masuuliyiin heer federaal iyo heer Puntland ah.

Waddooyinka Muhiimka ah ee magaalada Qardho ayaa xiran, waxaa gudaha magaalada lagu arkayaa Gaadiidka dadwaynaha oo lagu xardhay sawirrada Musharax Sharmaake, waxaana dadka reer Qardho ay u muujinayaan taageero iyo soo dhawayn tii ugu dambaysay.

Wararka dheeraadka ee la helaayo ayaa sheegaya inuu kulamo la qaadan doono bulshada qaybaheeda kala duwan iyo odayaasha dhaqanka ee soo xuli doona ergooyinka dooranaya baarlamaanka aqalka hoose.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Karkaar iyo kuwa degmada Qardho ayaa bannaanka magaalada Qardho ku sugaya wafdiga Ra’iisul wasaaraha, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Qardho.