WAR DEG DEG:- Sarkaal ka tirsan Ciidanka Puntland oo goor dhaw la dilay

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Sargaal ka tirsan Ciidamada Badda Maamulka Puntland lagu Toogtay Bartamaha Magaalada.

Dilka ayaa la sheegay in ay Geysteen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Askarta Dilka geysatay ay Sargaalka u dileen si aan ula kac aheyn markii rasaas ay Fureen ay Haleeshay Sargaalka.

Askartii Dilka geysatay ayaa la sheegay in la Xiray,waxaana socota Baaritaan ay lagu baarayo sargaalka ka tirsanaa Ciidamada Badda Puntland ee maanta Garowe lagu dilay.

la soco Wixii soo kordha…