WAR DEG DEG:- Wariye ka tirsanaa Idaacada Shabelle oo Goor dhaw lagu dilay Muqdisho

0

Wariye Cabdi Casiis Cali Xaaji oo ka tirsan Idaacadda Shabelle ayaa Goor dhaw lagu dilay Xaafadda Jeero-garoob ee Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Banaadir.

Allaha u naxariistee  Wariye C/casiis Cali Xaaji ayaa la sheegay in ay Dileen Koox Hubeysan oo sida la sheegay watay Mooto,kuwaas oo goobta ka baxsaday.

Guddoomiyaha Shabelle C/maalik Yuusuf Maxamuud ayaa noo Xaqiijiyay Dilka Wariye C/casiis Cali Xaaji.