WAR DEG DEG:- Wasiirka Warfaafinta Puntland oo is casilay+Sababta uu shaaca ka qaaday

0

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii wasiirka warfaafinta Puntland islamarkaana uu madaxweynaha ugudbiyay warqadiisa iscasilaada.

Wasiirka warfaafinta oo la hadlay Warbaahinta  ayaa  sheegay inuu isku casilay sababo iyo daruufo qoys oo isaga u gaar ah, waxaana  uu Xusay inuu Madaxweynaha Puntland uu ka aqbalay.

Soocadde ayaa waxaa in badan ka Cabanayay Warbaahinta Puntland,asagoo Amaro adag dul dhigay Saxafadda.