WAR DEG DEG:- Weerar lagu qaaday Masuul Dowlada ka tirsan iyo Khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay

0

Wararka naga soo gaaraya xaafada Xararyaale ee degmada Warta nabada ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay goor dhow halkaasi  ku weerareen xeerilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalab sida.

Xeerilaaliye ku xigeenka Maxkamada ciidamada Qalabka sida C/laahi Xuseen ayaa waxaa soo gaaray dhaawac sida uu idaacadda Risaala u sheegay gudoomiye ku xigeen ka tirsan degmada Wartanabada.

Qaar ka mid ah ilaalada xeerilaaliye ku xigeenka  ayaa dhintay , waxaana sidoo kale dhaawacmay kuwo kale.

kooxaha weerarka geystay ayaa la sheegay in ay wateen gaari nooca raaxada ah , islamarkaana ay xabado ku fureen gaari uu saarnaa xeerilaaliye ku xigeenka maxkamada ciidamada Qalabka sida oo yaalay xaafada xararyaale ee degmada Wartanabada ee gobolka Banaadir.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xaafadii lagu dhaawacay xeerilaaliye ku xigeenka waxa ay ka bilaabeen howgal ay ku baadigoobayaan kooxihii ka dambeeyay dilka loo geystay askarta ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dhaawaca xeerilaaliye ku xigeenka Maxakamada ciidanka qalabka sida Cabdulaahi Xuseen.