Waxgaradka Galmudug oo Cabasho ka muujinaya soo xulista ergada soo dooranaysa xubnaha baarlamaanka

0

Iyadoo magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ay ka soconayaan dhaqdhaqaaqyo lagu soo xulayo ergooyinka soo dooranaya baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa soo ifbaxaya cabashooyin arrintaasi ka taagan.

Qaar kamid ah waxgaradka Galmudug ayaa cabasho ka muujiyay gacan bidixeyn ay dhaliileen hannaanka loo marayo soo xulista ergada soo dooranaysa xubnaha baarlamaanka federaalka kuwooda ka imaanaya dhanka maamulka Galmudug.

Odayaashaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la musuqmaasuqay ergooyinka beelaha qaar taasna aysan garan Karin waxa qasbay xilligani in la sameeyo.

Nabadoon Cumar Maxamuud Gureey oo kamid ah odayaasha cabanaya ayaa sheegay in ergooyinka ka beel ahaan mateli lahaa laga keenay magaalada Muqdisho iyadoo weliba ay joogaan dadkii degaanka ee mateli lahaa.

“Waxaan cabasho ka ahayn in maamulka Galmudug aan talo naga la siin haddana, waxaa cabasho ka nahay qaabka loo marayo soo xulista ergooyinka dooranaya baarlamaanka” ayuu yiri nabadoonka.

Waxa uu sheegay in ay iyagu doonayaan inay doortaan mudanayaal u diirnaxaya dadka iyo dlaka iyagana ka warqaba.

Nabadoonka ayaa ugu baaqay cid walba oo arrimaha doorashooyinka xildhibaannada ee Galmudug ka soconaya shaqo ku leh inay soo fara geliyaan tabashadooda.

Magalada Cadaado ayaa dhowaan la filayaa in ay si toos ah uga billowdaan doorashooyinka xildhibaannada federaalka Soomaaliya ee ka soo galaya gobollada maamulka Galmudug.