WAXII HORE BEEN DHEH: Xaaska Xasan Sheekh Maxamuud Oo Xildhibaan Isu Soo Sharaxday.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday ahna hadda musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay xaaskiisa Marwo Sahro Cumar Xasan iyadana dhankeeda isu soo sharaxday Xildhibaannimo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Xaaska Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu Magacaabo Marwo Sahro Cumar Xasan in iyadana dhankeeda ay iminka wado Olole culus oo ay ku doonayso in ay noqoto Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay abid oo ay Marwada Madaxweyne Soomaaliyeed ay isu soo taagto inay noqoto Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ama tiraahdo waan u tartamayaa.

Isku soo wada duuboo waxaa isweydiin mudan sida ay bulsho weynta Soomaaliyeed u arki doonaan dhacdadan ugubka ah.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media