XASAASI:- Xildhibaan Goodax oo sheegay inuu fahamsan yahay Sababta dib loogu dhigay Doorashada iyo Digniin uu u jeediyay Musharixiinta la loolamaya Xasan Sheekh.

0

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka hadlayay dib u dhaca mar kasta ku yimaada Doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka dambeeyaan Madaxda dowladda waqtigeedu dhamaaday.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoosta ka xariiqay in dib u dhaca Doorashooyinka laga leeyihiin u jeedooyin Dan gaar ahaaneed ah.

Waxaana uu Xildhibaanku ku nuux nuuxsaday in Taasi ay cadeyn u tahay in Xildhibaanada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe la sheegay in lagu soo xulayo Magaalada Muqdisho taasina looga golleeyahay sidii Liis Xildhibaanno lagu sheegayo in laga soo xulay labadaasi Gobol uu Xasan Sheekh soo qoran rabo sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa cadeeyay in Musharraxiinta dhaqaalo bur bur lagu ridi rabo kuwaas oo Guryo u kireysan yihiin , islamarkaana Ciidamo Amnigooda Suga dhaqaalo ku bixiya halka Xasan Sheekh oo Musharraxa aanu Guri dhaqaalo uga bixin iyo Ciidan Toona.

Ugu dambeyn ayuu Xildhibaanku shaaca ka qaaday in Guddiga Doorashooyinka yihiin kuwa maqaar saar ah oo ka shaqeeya danaha Xasan Sheekh sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Xildhibaan Goodax ayaa ku soo beegmaya xilli shalay Guddiga Doorashooyinka ay ku dhawaaqeen in Muddo bil kale dib loo dhiigay Doorashada.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media