XOG:- Ciidamadii la wareegay Bangiga Puntland oo la sheegay in ay Lacaq ka qaateen Bangiga

0

Saraakiisha Ciidamada Amniga Puntland ayaa Xal ka gaatay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland oo Shalay Galab Gadood sameeyay lana wareegay Xarunta Bangiga Dhexe ee Maamulka Puntland ee Garowe.

Ciidamadii Gadoodka sameeyay ayaa la sheegay in Magaalada Banaanka looga bixiyay ,laguna qanciyay in la siindoono Mushaaraad ka maqan oo Sababay in ay Gadood sameeyan.

Sidoo kale waxaa jira Warar sheegaya in Ciidamadii la wareegay Bangiga ay qaateen Lacag aan tiradeeda la sheegin oo Shilinka Soomaaliga ah.

Illo ku dhaw dhaw Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa noo sheegay in Ciidamadu ay Gadiidka Dagalka ku Rarteen Jawaano ay ku jiraan Lacag Sh So ah oo Bangiga ay kala baxeen.

Ciidamada Puntland oo Mushaaraad ka Cabanaya ayaa Dhowr jeer Gadood ka sameeyay Magaalooyinka waa weyn ee Puntland,inkastoo Saraakiishu Xaliyeen Ciidamada Gadoodka sameeyay.