XOG CUSUB:- Itoobiya Mise Al-Shabaab!! Dilalka qorsheysan yaa Magaalada ka geysta ?

0

Dowladda Itoobiya ayaa qorshe halis ah ka dhex billowday magaalada Muqdisho kaasi oo aaney dad badan ku baraarugsaneyn, sidoo kalena arrintaan ay horay uga soo sameysay magaalada.

Rag la shaqeynaya Itoobiya oo Muqdisho jooga ayaa la sheegay in magaalada ay ka dhex billaabeen ugaaarsiga dadka wax tarka u ah Soomaaliya, kuwaasi oo ay dilaan ama dhibaato kale soo gaarsiiyaan.

Xog ay heshay Saxaafada waxay sheegaysaa in Weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, islamarkaana loo geystay dad wax gal u ah bulshada ay iyagu ka dambeeyeen.

Sanadkii 2004 ilaa 2005 Muqdisho waxaa lagu dilay saraakiil sarsare oo dalka magac ku leh, kuwaasi oo horay uga qeybqaatay dagaalkii 1977 ee lala galay Itoobiya.

Waxay dowladda Itoobiya dooneysaa in dalka aanu joogin shaqsi wax badan ka og taariikhda Soomaaliyeed, islamarkaana xusuusta ama wax ka galay dagaalkii 1977.