XOG: Gen. Morgan Oo Kamid Noqonaya Muudaneyaasha Aqalka Sare Ee Soomaaliya.

0

Gen. Maxamed Siciid Xersi (Morgan) oo kamid ahaa sarkaashiishi ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa dib ugu soo laabanaya siyaasadda dalka Soomaaliya.

Morgan oo muddooyinkan danbe ku sugnaa degaanada Puntland ayaa qalqaalo u galay sidii uu uga mid noqon lahaa Baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya iyadoo taasi taageero uga helay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Wararka laga helayo magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Gen. Maxamed Siciid Xersi (Moorgan) uu noqon doono xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Gen. Moorgan ayaa kaalintiisii ciidamadii dowladii Dhexe lagu eedeeyaa inuu tacadiyo ka geystay degaanada Waqooyi Galbeed ee Somaliland, waxaana xigay inuu hogaamiye ka ahaa jabhad qabsatay degaanada Jubbooyinka bartamihii sagaashameeyadi, waloow dadka badankiis ay aamin san yihiin in Gen. Morgan uu ahaa geesi difaacay dadkiisa iyo deegaankiisa islamarkaana uu mudan yahay in la siiyo bilad geesinimo.

Dib ugu soo laabashada siyaasadda Soomaaliya ee Gen. Morgan ayaa noqon doonta weji cusub oo uu yeelan doono aqalka sare ee Baarlamaanka oo dadka lagu qoray ilaa iminka ay yihiin saraakiil iyo siyaasiyiin hore oo rug cadaa ah.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media