XOG:- Maxaad ka taqaan Dawladdaha doonaya in uu markale Soomaaliya hogaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud ?

0

Soomaaliya ayaa hadda gashay marxalad xasaasi ah oo dhanka Doorashooyinka ah, waxaana Saadaalin adag laga bixinayaa Tartan adag ee ay gali doonaan Madaxda Soomaaliyeed ee doonaya in ay noqdaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaalka ee Soomaaliya.

Loolanka ugu adag hadda waxaa ku jira Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, Raysalwasaarihiisa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee dawladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo shaqsiyaad kale oo aan wali saameyntooda la xaqiiqsan.

Dawladdo badan ayaa caawinaya Xasan Sheekh Maxamuud si ay danahooda uga fushadaan Soomaaliya ama loo sameeyey balan qaadyo, haddii ay taageeraan Musharaxnimada Xasan Sheekh, taas oo hadda laga dareemaya Saaxada Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Todobaadkan Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ayaa warqad uu soo saaray waxaa ka muuqday mid leh dhiilo muujinaya in ay dawladda Imaaraatku qeyb ka qaadanayso lacagta faraha badan ee lagu bixinayo doorashada Soomaaliya.

Qoraalka sida ku cad waxaa Musharax Xasan Sheekh uu sheegay in haddii la doorto uu sii socon doono Iskaashiga labada dal, taas oo muujisey in awooda iyo Hantida dawladda loo adeegsanayo Tartankan adag ee doorashada.
Sidaas oo kale dawladdaha Barriga Africa qaarkood ayaa hardankaas mid la mid ah ku jira, waxayna doonayaan soo laabashada Xasan Sheekh Maxamuud, si ay u fushadaan danahooda gaarka ah.