XOG:- Musharax Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh cabsi ka qabo Yaa maal gelinaya ?

0

Dowladda Turkiga oo ka mid ah dalalka aadka u daneeya Soomaaliya, islamarkaana usoo gacan qabtay ayaa hadda dooneysa in si gambasho aan lahayn u taageerto musharrax ka mid ah kuwa doonaya iney tartamaan.

Dowladdan waxay taageero buuxdo siin doontaa musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana kulan horay uga dhacay Istanbul lagu kala saxiixday arrintan.

Sheekh Shariif waxaa lasiin doonaa qarash walbo oo uu u baahdo inuu xilkaan ku hanto, isna markii uu madaxweyne noqdo waxaa laga doonayaa in qorsheyaal wadato Turkiga isna fuliyo.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ka doonaya Sheekh Shariif haddii uu noqdo Madaxweyne in dalkaan mudada dhibaaatada ku jiray ka bixiyo, shacabka u sameeyo wax walbo oo ay nabad iyo dowlad ku heli karaan.

Hadaba Sheekh Shariif oo Afar Sano dalka ka maqnaa hadda aad buu isugu kalsoonyahay in mar kale soo laabto inkastoo musharraxiin badan ay meesha ka muuqanayaan.