XOG RASMI AH:- Maalinta uu Shaacinayo Sheekh Shariif Musharaxnimadiisa oo la ogaaday

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khamiistii la soo dhaafay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, afar sano oo uu ka maqnaa, ayaa maalinta berri oo isniin ah lagu wadaa inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha.

Sheekh Shariif ayaa dhoolatus weyn oo siyaasadeed oo aan horay loo arag sameeyay, kadib markii shacbiyadii ugu ballaarneyd ka helay dadka Muqdisho, taasoo khal khal gelisay Musharaxiinta kale ee u tartamaya xilka Madaxweynaha.

Ilo ku dhow dhow Guddiga qaban qaabada ayaa xaqiijiyay in berri ay dhici doonta munaasabada Musharaxnimada Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, waxaana la filayaa in mar kale taageerayaashiisa ay sameeyaan bandhig siyaasadeedkii ugu weynaa muddo kaddib.

Guriga Madaxweynihii hore uu ka degay agagaarka KM4 oo ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay, ayaa isu bedeshay Madaxtooyo, markii mashquul badan laga dareemay, qul qulka dadka ay ahaayeen kuwo aan kala go’ laheyn.

Shirar aan kala kac laheyn oo isugu jira la tashiga siyaaasiyiinta, la kulanka culimada, odayaasha dhaqanka, dhagaysiga aqoonyahanada iyo kala war qaadashada qeybaha kale ee bulshada ayuu durbaba bilaabay Madaxweynihii hore tan iyo intii uu ku soo laabtey Magaalada Muqdisho, safaf dhaa-dheer ayaa loogu jiraa la kulankiisa, mashquul aad u balaaran ayaa laga dareemayaa hoyga uu ka degan yahay G/Banaadir, kulamada iyo qaabilaadaha halkaasi ka socda waa isdaba joog waxayna si aad ah uga badan yihiin kuwa ka dhacaya Madaxtooyda gayigeena.