XOG RASMI AH:- Magacyada qaar ka mid ah Xubnaha Puntland ku leedahay Aqalka sare oo la ogaaday iyo Goorta lagu lasoo bandhigayo

0

Allgalgaduud Media ayaa heshay magacyada qaar ka mid ah 11-ka xubnood ee aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ay dawladda Puntland ku lee dahay kuwaas oo madaxwaynaha dawladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu baarlamaanka Puntland u soo gudbin doono ka dibna baarlamaanku ay soo xuli doonaan.

Sida Qorshuhu ahaa 25-kii September oo shalay ku beegnayd ayuu dhigayaa Jadwalka Doorashada 2016-ka in la lasoo bandhigo 54-ta xubnood ee aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ka dib marka ay soo gudbiyaan baarlamaanada Maamul goboleedyadu.

11-ka xubnood ee Puntland ay saami qaybsiga ku heshay, ayaa la diyaarin doonaa inta ka horraysa 6-da October 2016, lasoo bandhigi doono guud ahaan 54-ta xubnood ee Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa baarlamaanka Puntland u gudbin ugu yaraan 22 xubnood uu tartamaya aqalka sare, ka dibna baarlamaanka ayaa soo dooranaya 11 xubnood oo madaxwaynuhu saxiixi doono gudbinna doono.

Hadaba Allgalgaduud Media oo xiriiro kala duwan la sameeyay dhinacyada ku hawlan soo xulista xubnaha aqalka sare ee Puntland ka imaanaya ayaa ogaaday in ugu yaraan 7 siyaasi oo caan ah ay mar hore beelahooda kasoo heleen kuraasta aqalka sare waxayna kala yihiin.

Dr. Cali Xaaji Warsame (Musharax madaxwyne 2016).

Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole (Musharax madaxwyne 2016).

Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaake (Musharax madaxwyne 2016).

Axmed Cabdi Xaabsade.

Cabdi Cali Ismaaciil Cabdi Giir.

Proff. C/risaaq Cismaan Xassan Juurile.

Gen. Maxamed Siciid Moorgan

Xubnahaan ayaa dadaal dheer u galay sidii ay beelahooda uga soo heli lahaayeen kuraasta aqalka sare, waxaana sida aan xogta ku hayno ay kalsooni fiican ka heleen beelahooda, waloow ay jiri doonaan kursiga kula tartami doona maadaama madaxwayne C/wali Gaas uu baarlamaanka Puntland u gudbin doono ugu yaraan 22 xubnood oo beeluhu ay soo gudbiyeen.