XOG:- R/wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Wax Ka Ogaa Duqeynta Ciidamada Galmudug.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena sida aadka ah ugu dhaw Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ee xilgiisa dhamaaday Cumar Cabdirashiid ayaa waxa ay inoo sheegeen in Cumar Cabdirashiid waxbadan uu kala socday weerarka la qorsheynaayay in lagu qaado saldhigyada ciidamada Galmudug ku leeyihiin duleedka magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Weerarkii habeen hore lagu qaaday saldhig ciidamada galmudug kuleeyihiin duleedka magaaladaas ayaa lasheegay in ra’isulwasaaraha wax badan kale socday laguna wargeliyay.

Dhinaca kale ilo wareedyadeena ayaa inoo xaqiijiyay in qorshaha weerarka ciidamada Galmudug ay Cumar Cabdirashiid gaarsiyeen saraakiisha ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran ee Puntland si uu R/wasaare dhinaciisana uu amarkaas u bixiyo lagu weerarayay ciidamada Galmudug.

Isku soo wada duub waxa la ogeyn sida arintaan uga jawaabi doono Madaxweynaha soomaaliya ee waqtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh hadii ay cadaato in Cumar Cabdirashiid wax ka ogaa weerarka inkastoo ra’isulwasaaraha maalmahan uu ku suganyahay degaano katirsan maamulka Puntland.

Waxii Kasoo Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media