XOG:-Waa Maxay Sababta Ay Kenya U Diidan Tahay Dacwada Arimaha Badda In Lagu Dhameeyo Maxkamada ICJ?

0

Dad badan oo soomaaliyeed ayaa intii ay socotey dacwadii la xiriirtey arimaha Badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeysa ayaa waxa ay is weeydiinayeen waa maxey sababta ay madaxdii iyo sharci yaqaanadii ka socdey dhinaca Kenya ay ugu dhegan yahiin in aan loo baahneyn in ay dacwadan gasho Maxkamada Caddaaladda ee marka magaceeda la Soo gaabiyo la yiraahdo ICJ ee ku taala Magaalada Hague ayna ku qanacsan yahiin in dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ay arintan ku dhameystaan xal dibulumaasiyadeed.

Hadaba nin ka tirsan golaha wasiirada dawlada soomaaliya ee haatan xilkeedii dhamaadey mudo dheerna aan axsaab aheyn kuna tabayo inuu yahay nin wadani ah oo iga codsadey inaan magaciisa xigan ayaa ii sheegey in sababta ugu weyn ee ay Kenya u diidan tahay maxkamada caalamiga ah ay tahay iyadoo isku haleyneysa madaxda soomaalida in ay laaluushi karto sidii markii horeba ay sameysay arinteedana si fudud ay ugu dhamaan karto iyadoo marka arintaas ay ku guuleysato u suura galeysa in shidaalka ku jira Badda marka la soo saaro ay ka heli doonto Balaayiin dolar.

shu

Ninka wasiirka ah waxuu intaa raaciyey in haatan kenya ay iyadoo kaashaneysa dawlado reer yurub ah gaar ahaan Norwey ay bixineyso qarashaadka doorashooyinka soo socda ay u adeegsanayaan Raga kala ah Sheekh Shariif,Cumar Cabdirishiid,Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur sida xafladaha ay hoteelada ku qabanayaan,maleeshiyaadka ilaalinaya iyo lacagaha lagu laaluushayo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka soo socda iyadoo sidoo kalena dawlada kenya ay balanqaad cad ka heysato Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo socdaaladii kala duwanaa ee uu dhawr jeer ku tagey dalka kenya waxa ugu weyn ee lagala hadlayey ay aheyd arimaha badda waxaana hadii uu mar kale kursiga kusoo noqdo uu diyaar u yahay sidii Kenya ay ugu guuleysan laheyd dacwada Badda isagoo soomaalida u sheegi doono in dawladiisa ay dadaashey laakiin ay ku qasbanaatey xal dibulumaasi in arinta lagu dhameeyo ka dibna dhawr milyan oo dolar uu laaluush ahaan u qaato.

Madaxweyne Xasan Sheekh sida uu ugu nugul yahay Kenya waxaad ku garan kartaa markii dayuuradaha Kenya ay dad shacab ah oo fara badan oo Soomaaliyeed ay ku laayeen Ceel Cade kama uu hadal umana danqan hase yeeshee Askartii Kenya u dhalatey ee ay dileen Al Shabaab ayuu meydkooda u Sajuudey waxaana cadaan ah in ay dawlada kenya ay gacanta ku heyso Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiin badan oo soomaaliyeed ayuu yiri wasiirku.

Ugu dambeyntii wasiirka arimahan ii sheegey waxuu ii cadeeyey in shacabka soomaaliyeed la Jahwareerinayo wax badana la qarinayo iyadoo uusana jirin nin raga madaxda soomaalida u ah oo daacad ka ah dacwadan dhaqaale jeebkooda ku dhaca oo ay helaane ay wax kasta uga weyn tahay.

Fadlan Walaal Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

W/Q: Cabdullahi Nuur Colombo