XOG XASAASI AH:- Jawaari oo Godkiisa Biyo ugu soo galeen Iyo Warar Sheegaya In..

0

Guddoomiyaha baarlamaaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa hadda lasoo sheegayaa inuu la yahay kursigii xildhibaannimo kadib markii ay kusoo baxeen rag aanu fileyn.

Qurbajoog ay isku beel yihiin ayaa la soo sheegayaa in Jawaari  ay ku soo baxeen, waxaana hadda la tilmaamay in kursigiisii uuba qalqiil xooggan ku jiro.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in Gudoomiye Jawaari hadda uu billaabay kala geynta dadka isaga aadka loolan ahaan ugu dhow, isagoo qarash badan bixinaya.

Markiisii hore waxa uu niyad ahaan u heystay inuu guul gaaray, islamarkaana uusan qalqiil ku jirin kursigiisa baarlamaanka, hase ahaatee hadda arrintaasi ayaa kusoo baxday.

Jawaari ayaa rajo kale ka qaba in mar kale uu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee soo socda, inkastoo aaney taaasi u muuqan mid suurtageli doonta.