XOG:- Yaa Bixiyey Lacagtii La Siiyey Qareenadii u Doodayey Soomaaliya Ee Dacwadda Badda?

0

Soomaaliya ayaa qarash badan siisay looyaradii u doodayey ee arrinta dacwadda Badda Kenya, hase ahaatee waxaa su’aal weyn ay ka taagan tahay cidda bixisey lacagtaasi.

Saxaafada ayaa heshay xogta ah in lacagta la siiyey Looyarada ay gaareyso 5 kun oo doolarka Maraykanka ah, islamarkaana ay bixisay dowlad ay saaxiib dhow yihiin Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda C/salaan Hadliye oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha ka shaqeeya Muqdisho ayaa bannaanka soo dhigay dowladda bixisay lacagtaasi.

Wuxuu sheegay wasiir hadliiye in horta lacagtaasi ay keentay wasaaraddiisa, islamarkaana ay ka keentay dowladda Imaaraadka oo Soomaaaliya xiriir wanaagsan leeyihiin.

Wasiirka tiro ahaan ma aanu shaacin lacagtan, balse waxa uu tilmaamay in sidoo kale ay jiraan dalal kale oo diyaar u ah in lacagahaasi ay bixiyaan si Soomaaliya loogu muujiyo taageero.

Guul lama iloobaan ah ayeey Soomaaliya ka gaartay dacwaddii badda ee lagu qaaday maxkamadda ICJ, inkastoo weli natiijada sii wadista dacwaddan aan la shaacin.