Ciidamo Gaari Xamuul ah ku rasaaseeyay Duleedka Magaalada Muqdisho

0

1 qof waa uu dhintay 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib rasaas Ciidamo kuwa dowladda Federaalka ka tirsan ay ku fureen Gaari Xamuul ah oo Khudaar u soo siday Magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa xilliga la rasaaseynayay soo marayay deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

2-da qof ee dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay yihiin Darawalka iyo Daba Kafuulkii gaariga la rasaaseeyay.

Lama oga sababta loo rasaaseeyay gaariga , oo marayay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda ayaa mararka qaar geysta falalka nuucaani iyadoo aanu jirin cid kula xisaabtanta.