Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in uu tago Magaalada Gaalkacyo.
Faroole ayaa sheegay in dagaalka Gaalkacyo uu sii xoogeysanaayo , islamarkaana dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay Gaalkacyo ay ku dhibaateysan yihiin duleedyada Magaalada.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayuu sheegay in uusan xal ka gaarikarin colaada Magaalada Gaalkacyo, madaam uu sheegay in dagaalku uu u dhaxeeyo labo maamul.
Madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay haduu uusan tagin Magaalada Gaalkacyo in lagu tuhmikaro colaada Gobolka Mudug in uu ku lugleeyahay .
Gaalkacyo waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland, iyadoo dagaaladaasi uu saameyn ku yeesheen guud ahaan Magaalada Gaalkacyo.
HALKAAN KA DHAGEYSO