TOP DHAGEYSO:- Maamulka Hirshabeelle oo Galmudug iyo Puntland Xaalada Gaalkacyo kala hadlay

0

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe ayaa Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug ugu baaqay iney ka qeyb qaataan joojinta dagaalada ka soconayo Magalada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in laga wada qeyb qaato joojinta dagaalka Gaalkacyo iyo nabadeynta Magaaladaasi.

Waxa uu sheegay in Madaxweynayaasha labada Maamul Puntland iyo Galmudug loogu baahan yahay in ay deg deg ah ugu hogaansamaan baaqyada nabadeed ee ka soo baxaya Madaxda Dowlada, beesha Caalamka iyo Culimo udiinka.

Cali C/llaahi Guudlaawe Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in shacabka Gaalkacyo ay u baahan yihiin nabad iyo Xasilooni.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa weli isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana laga Cabsi qabaan in mar kale ay halkaasi ku dagaalamaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO