Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa kamid ah magaalooyinka Puntland ee dowladaha hoose ay kahirgeliyeen solarada ku shaqeeya cadceeda dabiiciga ah ee qoraxda.
Waxaa jira dayac ku habsadey solarada magaalooyinka qaar sida magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, hadaba Qardho ayaa sifiican u daryeeshay layrar tiroyar oo ay heshay.
Duqa degmada Qardho Cabdulqaadir Siciid Cismaan Dheere, oo lahadlayey Idaacadda Daljir ayaa sheegay in layrarka cadceeda ku shaqeeya ee magaalada Qardho ay gacanta kuhayso dowladda hoose ee Qardho.
HALKAAN KA DHAGEYSO