Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaalada Magaaladaasi ay tahay mid degan.
Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa Mudooyinkii dambe ku dagaalamaayay Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana Dagaalkaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wariyaasha Gobolka Mudug ayaa soo sheegayaa in saakay xaaladu ay tahay mid degan, inkastoo weli labada dhinac ay isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay.
Xasan Maxamed Ciise Goodir oo ah Duqa Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ay ku badan yihiin dadka ka soo jeeda deegaanada Puntland.
Waxa uu sheegay in aysan aqbali doonin in Galmudug ay la maamusho Magaalada Gaalkacyo.
Hoos ka Dhageyso Codka Duqa Garoowe:-