Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta maamulka cusub ee Hirshabeelle iney xooga saaraan sidii ay ku adkeyn lahaayeen amniga guud ahaan Gobolada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe.
Xildhibaan Jeesow ayaa xusay iney muhiim tahay in shacabka la tuso kalsooni ay ku qabaan maamulka uu madaxweynaha ka yahay mudane Cali C/llaahi Cosoble.
Hadalka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan weerar ismiidaamin oo ka dhacay magaalada Baladweyne kaasi oo lagu qaaday saldhig Ciidanka Jabuuti ee AMISOM.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa qaaday talaabo isbedel oo uu ku micneeyay in lagu sugo amniga,isagoo xilka ka qaaday gudoomiyihii Gobolka Sh/dhexe Axmed Yuusuf Hagar dabageed.