Goor hore oo isniintii saakay ah ayaa booliska dalka Turkigu waxay xireen Murad Sabuncu, tifaftiraha wargeyska Cumhurriyet, waxayna daba socotay xirataan balaaran oo lagu sameeyay wariyayaal, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Turkiga ee Anadol Agency.
Turkiga ayaa ku eedeeyay wariyayaasha inay sharciyaynayeen afgambigii dhicisoobay ee bishii julay ka dhacay dalka Turkiga. Waxaa kalo wariyayaasha lagu eedeeyay inay wakiil u ahaayeen cadowga dalka.
Xiritaankaan ayaa daba socday, iyadoo todobaadkaan shaqada laga ceyriyay 10.000 oo kamid ahaa shaqaalaha dowladda, sidoo kalena la xiray tobanaan kale oo xarumo warbaahineed ah.