Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Maamulka Soomaaliland C/qaadir Iimaan Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay been abuur tahay wararka sheegaya in la xaday xogta ku saabsan Doorashooyinka Maamulka Soomaaliland.
Waxa uu sheegay xogta Doorashooyinka Maamulka Soomaaliland in ay tahay mid Qaran, arrimaha la isla dhexmarayana ay yihiin kuwo been abuur ah oo sal iyo raad midna aan laheyn.
C/qaadir Iimaan Warsame Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Maamulka Soomaaliland ayaa sidoo kale waxa uu sheeagay Dadka Doorashooyinka Soomaaliland ku lugta leh in ay yihiin kuwo aamin ah.
Dhowaan Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Dalka waxaa lagu wadaa in ay ka dhacaan Doorashooyin, kuwaas oo hada diyaar garowgooda uu yahay mid si dar dar leh ku socda.
HALKAAN KA DHAGEYSO