XOG MUHIIM AH:- Maxaad ka Og tahay Kulanka Madaxda Soomaalida ee Dubai iyo Saameynta uu ku yeelan doono doorashada 2016.

0

Waxaa magaalada Dubai ee iskutagga imaaraadka carabta ku sugan madaxda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaaday (Xassan Sh Maxamuud iyo Cumar C/rashiid), iyo madaxwayneyaasha Shanta Dawlad Goboleed ee federaalka ah, (Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, C/kariin Xuseen guuleed, Axmed Maxamed Islaam, Shariif Xassan Sh Aadan, Cali Cosoble), waxaana isku taggooda Dubai uu ku soo beegmayaa xilli dalka Soomaaliya ku jiro xaalad kala guur ah, islamarkaasina lagu wado in muddo 30 maalmood ka dib ah ay ka dhacdo doorashada madaxwaynaha dalka.

Warsidaha Allgalgaduud Media oo aad xog ogaal ugu ah arrimaha Soomaaliya, islamarkaasina soo xiganaya ilo wareedyo ku xeeran madaxda Soomaalida ayaa ogaaday in kulanka Dubai uu yahay mid ay qaban qaabisay Dawladda Imaaraadka Carabta, islamarkaasina uu yahay mid madaxda maamul goboleedyada loogu qaybinayo dhaqaale xoog leh oo ay ku bedelayaan in mar kale 4 sano oo hor leh dib loosoo doorto, madaxwaynaha xilligiisu dhammaaday Xassan Sh Maxamuud, si uu imaaraadka carabta ugu fuliyo qorsheyaal xoog leh ay oo ay Soomaaliya ka lee dahay.

Imaaraadka iyo Saaxiibadiisa ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa madaxda dawlad goboleedyada Soomaaliya ka dhaadhicinaya sidii mar kale Xassan Sh Maxamuud uu doorashada ugu soo bixi lahaa, waxaana rabitaankaan ka dhaadhicinta ah dhinac socda lacag xoog leh oo dhinacyadaan ay qorshahoodaan ku xoojinayaan.

Imaaraadka ayaa Xassan Sh Maxamuud heshiis kula galay inuu u saxiixo mashruuca dhismaha dekadda barbera oo imaaraadku heshiis kula galay Somaliland, balse hadda u baahan in dawladda federaalku ay saxiixdo iyo in Imaaraadku Saldhig Milatari oo xoog leh ka samaysto isla dekadda Barbara.

Imaaraadka ayaa qorshanayna inuu dawladda federaalka ah ka ansaxsado inuu dib u ku sameey dekadda Barbara, inta dhismahaasi socdana uu keeno ciidankuu sugi lahaa ammaanka shaqaalaha, ka dibna uu halkaas ka samaysto saldhig ballaaran oo Imaaraadku geeska africa ka ilaalashado.

Sidoo kale Saldhiggaas Milatari waxaa dawladda Imaaraadka ku weheliya dawladda Maraykanka, waana qorshe xoog leh oo ka dhan ah danaha China iyo reer Yurub ee Soomaaliya oo iyaguna doonaya inay saamayn ku yeeshaan Soomaaliya oo ay ka dhistaan Saldhigyo Milatari.

Wada hadalka Gaas iyo Guuleed ee arrinta Gaalkacyo.

Dhinaca kale inta Dubai lagu sugan yahay, ayaa madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug waxaa lagu wadaa inay ka wada hadlaan xaaladda Cakiran ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo asbuucyadii ugu dambeeyay ay ka taagnayd xiisad colaadeed oo labada dhinac u dhexaysa, waxaana wada hadalkaas lagu wadaa inay goobjoog ka noqdaan madaxda kale ee Soomaalida, wada hadalka oo xal loogu raadinayo colaadda.

Dalalka isku haya Soomaaliya iyo damacooda.?.

Sida la wada og yahay Dawladda Turkiga ayaa hadda saamayn xoog leh ku leh arrimaha Soomaaliya, waxayna saaxiib dhow la tahay villa Soomaaliya, iyadoo Turkigu uu maamulo Airpor-ka iyo dekadda Soomaaliya ugu weyn ee Muqdisho, sidoo kale Turkigu wuxuu Muqdisho ka dhistay Safaaraddiisa Geeska afrika ugu weyn, isagoo boqolaal ciidankiisa ka mid ah ay Muqdisho joogaan, hadana qorshaynaya inuu Saldhig Milatari Muqdisho ka samaysto.

Dhinaca kale Dawladda China ayaa doonaysa inay Marsooyinka Garacad iyo Hobyo ee gobolka Mudug midkood dekad ka dhisto ayna halkaas aakhirka ka samaysato Saldhig Milatari.

Dib u soo noqoshada Xassan Sh.

Ummadda Soomaaliyeed inteeda badan ayaa walaac xoog leh ka muujinaysa inuu mar kale dib u soo noqdo Xassan Sh Maxamuud oo afartii sano ee lasoo dhaafay Xaalad mugdi ah ku hogaaminayey ummadda Soomaaliyeed, islamarkaasina awooddiisa u adeegsaday isku dirka dadka Soomaaliyeed iyo danaha beeshiisa oo uu kor yeelay.

Waxaa la rumaysan haddii Xassan Sh soo laabto inay Soomaaliya gali doonto 4 sano oo kale oo mugdi ah, islamarkaasina ay wax walba hoos uga sii dhici doonaan hadda meesha ay joogaan.