AKHRISO:- AMISOM oo War ka soo saartay Dil Askari ka tirsan uu u geystay Dad Shacab ah

0

War Qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa looga hadlay Dil Askari ka tirsan Ciidanka AMISOM uu u geystay Qof shacab ah, sidoo kalena uu dhaawacay 2 Qof oo kale.

AMISOM ayaa raali gelin ka bixisay dhacdadan uu sameeyay Askari ka tirsan Ciidankooda, waxaana ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin falkan.

Dhacdadan oo dhacday Arbacadii ayaa timid kadib markii Gaari ay saarnaayeen Qandaraaslayaal lagu amray in lagu baaro meel u dhow xero Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin ayaa waxaa Rasaas uu riday Askari AMISOM ah ay dishay Dareewalkii Gaariga waday, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 2 Qof oo kale.

Dadkii ku dhaawacmay falkaasi ayaa waxaa la geeyay isbitaal Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin xero ku taalla Magaalada Muqdisho, taas oo hada xaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Danjire Francisco Madeira oo ah Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dhacdadaasi, isagoo sidoo kale Tacsi u diray Ehelada marxuumka geeryoodey, waxaana kuwii dhaawacmay uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Ciidanka AMISOM ee Howlgalka u jooga Soomaaliya ayaa inta badan waxa ay Dilal iyo jirdil u geystaan dadka shacabka ah, taas oo mararka qaar cidna aan wax laga weydiin falalkaasi ay geystaan.