AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay ee Magaalada Gaalkacyo

0

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa maanta degan, sida uu soo sheegayo Wariyaha Idaacadda Risaala ee Magaaladaasi.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa mararka qaar laga maqlayaa Rasaas goos goos ah oo ay is weedaarsanayaan labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.

Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii loo dejin lahaa xaalada Magaaladaasi, waxaana weli socota waan waan.

Dad fara badan ayaa maalmihii u dambeeyay ka barakacayay Magaalada Gaalkacyo oo ay ku dagaalameen Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.