AKHRISO XOG CUSUB:- Maxaa Khadka Telfoonka ku dhex maray Gaas iyo Guuleed

0

Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa habeenkii xalay ahaa ku wada hadlay qadka taleefanka, waxaana dhexmartay Hanjabaad.

Markii hore waxaa la sheegay in Labadan mas’uul laga soo amray Xalane in degdeg ay uga wada hadlaan Nabadda Gaalkacyo, hase ahaatee arrinta ayaa hanjabaad isku bedashay.

C/weli Gaas ayaa hadalkii nabadda xumeeyay islamarkaana Guuleed ku yiri “Gaalkacyo annaga ama idinka mid baa u hari, nabadna ma imaan doonto inta ka sokeysay”

C/kariin Guuleed ayaa isna ugu jawaabay Gaas “Kolley waan arki doonnaa haddii caano la kala cabayo, nabad aad adigu diidayna aniga kuguma baryayo”

Hadaba hadalladan ayaa xaaladda ka sii darsiin kara, waxaana laga baqayaa in dagaallada ay noqdaan kuwo maaro loo waayo.